RASMI: MW Putin oo loo jaray barwo lagu soo xirayo + Dembi aan horay loo sheegin oo loo haysto

0

(Hague) 17 Maarso 2023 – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa soo saartay barwo lagu soo xirayo Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa afduubka carruurta Ukraine.

Amarka ayaa la soo saaray goow dhow kaddib markii ICC ay ku dhawaaqday inay jiraan “sababo macquul ah oo lagu aamini karo in Putin ku lug leeyahay masaafurin sharci darro ah ee dadwayne laga qaaday meelaha la haysto ee Ukraine loona wareejiyey Federaalka Ruushka, kuwaasoo ay ku jiraan carruurta Ukraine.”

Waxaa yaab leh in Maraykanku uusan xubin ka ahayn ICC mana caawiyo mana qirsana awoodda hay’addan garsoor ee caalamiga ah.

ICC waxay qortay in Putin “uu mas’uul ka yahay dembiga dagaal ee masaafurinta sharci-darrada ah ee dadwaynaha (carruurta) ee meelaha la haysto ee Ukraine.”

Hadalsame Media