Ninkii dalka MW ka noqonaya & Midkii ku haysta waa in lagula xisaabtamaa 2 ay 2 kale ka dhalanayso

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2023 – Madaxwayne kasta iyo maamul kastaa, waa in uu laba qodob ka shaqeeyo:

1 – Walaalaynta dadkiisa
2 – Isku fillaansho dhaqaale

Labadaas lama gaadhi karo, haddii aanay jirin:

1 – Daacadnimo/amaano-dhawr
2 – Caddaalad

Haddaba maamulkii labada qodob ee hore ku guulaysan waaya, waa in uu xilka u banneeyo ciddii ballanqaadaysa labadaa qodob.

Haddii cidda kalena ku guulaysan waydo, in ay

1 – Dadkeeda faqriga ka saarto iyo
2 – Inay walaalayso

Markaa waa in la sameeyo cilmibaadhis qotodheer.

Waan hubaa oo mar walba waa la samayn karaa walaalaynta bulshada. Waan hubaa in dadkaa kala wada shakisan ee is qalqalaya, la gaadhsiin karo heer ay isla qaybsadaan wax kasta.

Balse arrinta dhaqaalaha iyo isku fillaanta, haddii ay soo baxdo in aan lagu guulaysanayn, XAQ LOOMA LAHA IN LA SII AHAADO DAL MADAXBANNAAN IYO DAWLAD TOONA.

W; D: Max’ed Cabdibashiir Xirsi

Hadalsame Media