“Israel waxay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye” – Sharci halis ah oo la meel marin rabo + Digniin

0

(Tel Aviv) 17 Maarso 2023 – Madaxwaynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa ka digey in Yuhuuddu ay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye oo ka dhasha isbedello dhanka garsoorka ah oo ay waddo dowladda cusub ee la doortay.

Xilli ay socdaan mudaaharaadyo dalka oo dhan ah, waxa uuna soo bandhigay isbedello kale, kuwaas oo uu diidey Ra’iisul Wasaaraha muxaafidka ah ee Benjamin Netanyahu.

“Kuwa u malaynaya in dagaal sokeeye oo dhab ah, oo galaafta nolosha aadanuhu, uu yahay xuduud aynaan ka gudbi doonin, wax war ah ma hayaan,” ayuu Herzog ku yiri muuqaal uu soo duubay.

“Halistu waxa ay noo jirtaa masaafo la taaban karo,” ayuu sii raaciyey, isagoo ku daray ” qiime kasta, iyo si kastaba, ma ogolaan doono inay taasi dhacdo.”

Israa’iil waxaa ruxay mudaaharaadyo isdaba joog ah tan iyo markii uu Netanyahu ku dhawaaqay isbedellada sharci ee uu soo jeediyey bishii Janaayo.

Isbeddelladan sharci waxay u oggolaanayaan Baarlamanka Keneset-ka ee Israa’iil inuu tirtiro xukunnada Maxkamadda Sare cod aqlabiyad ah oo uu qaado oo qura, waxayna taasi siin doontaa Xukuumadda awood dheeraad ah oo ku saabsan magacaabista garsoorayaasha, waxayna xaddidi doontaa awoodda maxkamaddu u lahays inay dib u eegis ku samayso sharciyada ay u aragto “qaar aan macquul ahayn.”

Baarlamanka ayaa Talaadadii u codeeyey in la sii wado hindise sharciyeedkan u ogolaanaya sharci-dajiyayaasha inay kansalaan xukunnada Maxkamadda Sare iyagoo cod uun u qaadaya.

Tillaanadan ayaana timid kaddib markii ay boqollaal kun oo mudaaharaadayaal ihi ay isugu soo baxeen waddooyinka Tel Aviv, Jerusalem, Haifa, iyo magaalooyinka kale oo Israa’iil xukunto dhamaadkii isbuucan si ay uga soo horjeestaan in la meelmariyo xeerkan awood maroorsiga ah ee halista dimoqraadiyaddii iyo isla xisaabtankii.

Hadalsame Media