SAWIRRO: Magaalada Napoli oo sidii goob dagaal isu rogtey kahor kulanka caawa ee SSC Napoli iyo Eintracht (Daawo)

0

(Napoli) 15 Maarso 2023 – Boqollaal ka mid ah taageerayaasha SSC Napoli iyo Eintracht Frankfurt ayaa ku dagaallamay jidadka magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga, kahor kulanka caawa ee  Champions League.

Taageeerayaasha loo yaqaan ‘Ultras’ ayaa lagu arkayey iyagoo ku tuuraya dhagxaan, waxyaabo ololaya iwm bartamaha magaalada qadiimiga ah ee Napoli ee koonfurta dalkaasi.

Gaari ay wateen ciidamada booliska iyo kuwa kale ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyey halka muraayadaha laga daadiyey baabuurta jidka maraysey taasoo qalaanqal gelisey magaaladii oo dhan.

Waxaa sidoo kale jira burbur soo gaarey baabuurta iyo mootooyinka ay wateen dadkii goobta marayey, sidoo kale waxaa uu burbur soo gaarey qaar ka mid ah dukaamada ku hareeraysan Piazza del Gesu Nuovo.

Booliska gadoodka iyo rabshadaha la xaala ayaa ugu dambayntii ku guulaystey inay xaaladda dejiyaan, iyagoo taageerayaasha ku ilaalinayey basaska si ay u geeyaan hoteelladooda.

Hadalsame Media