”La xiriira DF Somalia!” – Sucuudiga oo ugu dambayn dib usoo celiyey markab xoolo ka qaaday Somaliland (Arag bayaanka)

0

(Jiddah) 15 Maarso 2023 – Boqortooyada Sucuudiga Carbeed ayaa ugu dambayn amartay in dib loo celiyo markab xoolo sidey oo ka yimid dhanka Dekedda Berbera ee Maamulka Somaliland.

Markabkan oo lagu magacaabo Terest 1 oo ay ku shixnadnaayeen xoolo Geel ah oo gaaraya ilaa 1634 oo neef oo geel ah ayaa ku xannibnaa magaalada Jiddah ee dalkaasi Sucuudiga.

Sucuudiga aya celinta markabkan u cilladeeyey in aanu sidanin warqad caafimaad oo kasoo baxday DF Somalia iyo dhammaanna aqoonsiyada ama shahaadooyinka loo baahan yahay in laga keensado dhanka Dowladda Faderaalka Somalia.

Markabka ayaa sidaa darteed la faray inuu deg deg dib ugu laabto halkii uu kasoo furtay markii hore oo ah Dekedda magaala maarsada Berbera, si dib loogu marsiiyo dhammaan habraacyada rasmiga ah ee ay xooluhu kusoo galaan Sacuudiga Carbeed ee uu dalkaasi aqoonsan yahay, kuwaasoo ah kuwa DF Somalia.

Hadalsame Media