“Ha iga illoobin ducada!” – Nin arrin yaab leh ka sameeyey dalka Ciraaq

0

(Baqdaad) 15 Maarso 2023 – Hayga illoobina Ducada! Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa si weyn uga yaabiyey dadwaynaha ku xidhiidha baraha bulshada Carabta kaddib markii uu soo dhigay sawir uu buugaag gubayo.

Ninkan oo lagu magacaabo Mu’ayid Al mawsin ayaa sheegay in buugaagta uu gubayaa ay yihiin kuwii dukaankiisa ee lagu qori jirey dadka daymaha ka qaatay.

Isaga oo sheegay in uu tan u sameeyey cafis ahaan maaddaama oo la gelayo Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Ninkan oo ka soo jeeda magaalada Mawsil e dalka Ciraaq ayaa dadweynaha ka codsaday in aanay ka illoobi ducada oo ay u soo duceeyaan.

Dhacdadan ayaa aad u ruxday baraha bulshada iyada oo dadku ay ku ammaaneen geesinnimada uu ninkaasi hor Ilaahay uga cafiyey dadkii uu deynta ku lahaa.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media