(Muqdisho) 15 Maarso 2023 – Waxaa saakay dil toogasho ah oo qisaas ah lagu fuliyey 3 nin oo lagu helay inay wada fuliyeen falal argagixiso ah sida qaraxyo iyo dilal. Waxay kala ahaayeen:
1 – Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).
2 – Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).
3 – Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).
Sida uu sheegay Garsoorka Ciidanka DF Somalia waxay 3da nin kala ahaayeen sarkaal hore, sarkaal shaqaynayey & sarkaal iyo dhaqtar sheegad ah, waana la wada toogtey.
Ha yeeshee, ninka dambe ee ku shaqaynayey Dr Fanax waxaa arrintiisa ka dhashay oo ka taagan su’aalo aan laga jawaabin sida:
1 – Maxaa waraysigiisa loo jarjaray?
2 – Waxa uu ninkani sheegtay inuu alias ahaan ugu dhuumanayey shan shaqo oo kale duwan in uu qaban jiray sida: “Gaashaanle ciidan, shaqaale hay’ad, dhaqtarnimo, shaqaale wasaarad iyo Al Shabaab.
Sidee haddaba intaas oo shaqo oo u badan kuwo dowladeed marka 2 qura laga reebo u qabanayey?
Yaa u sahley inuu DF sidaa u dhexgalo oo uu ciidan, gawaari, darays askareed, agab iyo galaangal helo?
3 – Markii la waraystay wax badan wuu daadiyey kolleey e aaway dadkii uu sheegay ee la shaqaynayey iyo magacyadooda maxaase loo gole joojin waayey?
Hadalsame Media