RW hore ee Ciraaq oo kashifay arrin liidata oo lagula kacay maydka Saddaam Xuseen kaddib daldalaaddiisa (Hadda halkee yaallaa?)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ku andacoodey in maydka Madaxwaynihii Ciraaq ee la ridey ee Saddam Hussein “lagu tuuray” meel u dhow guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee magaalada Baqdaad kaddib markii la daldaley 2006-dii.

Al-Kadhimi oo u warramayay wargayska maalinlaha ah ee Asharq Al-Awsat ee kusoo baxa afka Carabiga, waxa uu tilmaamay in maydka Saddam lagaga tegey meel u dhaxaysa gurigiisa iyo kan Nuuri Al-Maaliki, oo waqtigaas ahaa Ra’iisal Wasaare, oo ku yaalla Aagga Cagaaran ee aadka loo ilaaliyo.

Faalladan ayaa timid kaddib markii al-Kadhimi la waydiiyey inta jeer ee uu arkay Saddam.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa macneeyey inuu markii ugu horreeysey Saddam ku arkay dhegeysiga maxkamada kahor dhimashadiisa, isagoo ku tilmaamay maxkamada mid aad u adkayd balse muhim u ahayd taariikhda Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, markii labaad ee ay is arkeen ma noqon ilaa kaddib dilkii Saddam.

“Waan diidey falkaas [in maydkiisa lagu tuuro gurigiisa agtiisa], laakiin waxaan arkay koox ilaalo ah, waxaana ka codsaday inay ka fogaadaan maydka anigoo ixtiraamaya maytada,” al-Kadhimi ayaa sidaa ku sheegay waraysiga.

“Haa, waxaa la keenay [maydka Saddaam] bannaanka guriga al-Maliki,” ayuu yiri al-Kadhimi. “Al-Maliki wuxuu amray in maydka lagu wareejiyo mid ka mid ah sheekhyada qabiilka al-Nada, oo ah qabiilka Saddam Hussein, sidaas darteedna waa lagasoo celiyey aagga cagaaran.”

Waxa uu intaa ku daray in “[Saddaam] lagu aasay Tikrit oo uu kasoo jeedey. Kaddib 2012-kii, balse markii [aagga] ay la wareegeen kooxda Daacish ISIS (ISIL), maydka ayaa lasoo qoday markale oo loo wareejiyey meel qarsoodi ah oo aan cidina garanayn ilaa maanta. Xabaalaha caruurtii Saddam ayaa iyana la karaamo darreeyey.” Ayuu yiri Kadhimi.

Kahor madaxnimadiisa laga bilaabo Maajo 2020 ilaa Oktoobar 2022, al-Kadhimi wuxuu soo noqday Agaasimaha Adeegga Sirdoonka Qaranka Ciraaq, wuxuuna caan ku ahaa mucaaradnimada adag ee xukunkii Saddam.

Hadalsame Media