RASMI: Supercoppa Italia oo loo bedeley qaab cusub & Afar koox oo ka qaybgeli doonta (Goorma?)

0

(Roma) 13 Maarso 2023 – Hay’adda Lega Serie A ayaa ansixisay qaab cusub oo loogu talagalay in loo ciyaaro Supercup-ka Talyaaniga kaasoo markii ugu horreeysey ay ciyaari doonaan afar kooxood laga bilaabo sanadka soo aaddan ee 2024-ka.

Warbixinno badan oo ka imaanaya Italy ayaa sheegaya in Lega Serie A ay ogolaatay in la badalo qaabka tartanka laga bilaabo sanadka soo socda, iyadoo koobkan oo ay ciyaari jireen kooxaha kala qaada Horyaalka iyo Coppa Italia laga bilaabo 2024 ay sidoo kale ka qaybgeli doonaan kooxda gasha kaalinta labaad ee Seria A iyo tan timaada final-ka Coppa Italia ee laga qaado.

Inter Milan ayaa ku guulaysatey dufcaddiii ugu dambaysay, iyado 3-0 ku garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan oo ay Riyaad ku ciyaareen Janaayo 2023.

Sida laga soo xigty Gazzetta, labada dufcadood ee soo socda ayaa sidoo kale lagu ciyaari doonaa isla Sacuudi Carabiya oo lagu ciyaaray 3 ma mid ah afartii ugu dambeeysey heshiis ku kacaya €24m, sida ay xaqiijiyeen isla Sucuudigu.

Markii ugu horreeysey ee dibedda lagu ciyaaro koobkan waxay ahayd 1993-kii markaasoo AC Milan iyo Torino ay ku kulmeen Washington. Waxaa ku xigay dhowr kale oo ka dhacay Libya (2002), mid kale oo ka dhacay Maraykanka (2003), afar Shiinaha ah (2009, 2011, 2012 iyo 2015) iyo laba Doha ah (min 2014 ilaa 2016).

Dalka Isbayn ayaa horay qaabkan oo kale u qaatay.

Hadalsame Media