RASMI: Leo Messi oo Sucuudiga Carbeed aadaya (Bayaan rasmi ah oo soo baxay)

0

(Riyaad) 12 Maarso 2023 – Si kastaba ha ahaatee, micnaha warkani maaha inuu halkaa ka ciyaaayo kubbadda cagta ama lala saxiixdo mid ka mid ah kooxaha Boqortooyada Sucuudiga ee Saudi Pro League, ugu yaraan weli taa lama gaarin.

Yeelkeede, xiddigga ku guulaystay Koobka Adduunka ee u safta PSG ayaa bishan tegi doona Saudi Arabia isaga oo ah safiir calaamad u ah dalxiiska Sucuudiga ee boorka laga jafayo.

Wasiirka Dalxiiska ee Boqortooyada Sacuudiga, Axmed al-Khateb, ayaa booqashadiisa ku shaaciyey baraha bulshada. Al Khateeb wuxuu yiri:

“Waan ku faraxsan ahay inaan soo dhoweeyo Safiirka Dalxiiska ee Lionel Messi iyo qoyskiisa iyo asxaabtiisa bishan booqashadiisa labaad ee Sacuudiga si aan ugu raaxaysanno goobaha dalxiiska ee quruxda badan, lana xiriirno dadkeenna oo aan ku raaxaysanno khibradahan naadirka ah”.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Leo Messi (@leomessi)

Hadalsame Media