Dal Afrikaan ah oo uu ka holcayo dagaal loo galo qaab yaab leh + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2023 – Gobolka Saaxil ee Afrika ayaa ah goob ay ku badan yihiin dagaallada kooxaha jihaad doonka ah, iyadoo sannadkii hore gudaha waddanka Mali oo kaliya lagu dilay in ka badan 2,000 oo qof oo rayid ah.

Balse halista kama imaanayso oo kaliya kooxaha kacdoonka wada ee jihaad-doonka ah, ee waxaa jira calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka, kuwaas oo inkasta oo loo keenay inay la dagaalamaan kooxaha jihaadiyiinta, haddana lagu eedaynayo inay geysteen gabood-fallo iyo inay abuureen amni darro hor leh.

Hasayeeshee waddanka Mauritania oo kamid ah dalalka Saaxil, ayaanan tobankii sanadood ee la soo dhaafay lagu qaadin hal weerar.

Dalkaas ayaa la yimid istaraatiijiyad ay ku ilaalinayaan xadkooda gaaraya illaa 2,000km iyaga oo isticmaalaya geela.

BBC da ayaa halkaas booqtay. Waa dhul bacaad ah wuxuunu astaan u yahay Xadka ay wadaagaan Mauritania iyo Mali oo ah gobo ay colaado ka jiraan. Waxaa dhulka ilala ka ah rag reer guuraa ah oo loo yaqaan Meharist.

Dawladda ayaa qorata rag kasoo jeeda degaanka maadaama ay aqoon xeel dheer u leeyihiin dhulka iyo dadka ku nool aagga.

BBC

Qoraalka sawirka, Cutubkan ciidan ee reer guuraaga ah ayaa gaaraya illaa saddex boqol oo nin.

In k badan sadeex boqol oo nin ayuu ka koobana yahay cutubka gaarka ah ee loo qorsheeyay ilaalinta xadkan dheer, waxay isticmaalaan geel kaas oo gaari kara meelo aanay gaari Karin gawaarida awoodda badan ee loo yaqaan 4×4 ama gawaarida afarta lugoodba awoodda rogmadka ku leh, waxayna geelan ku aadayaan hawla gallo mararka qaar qaadanaya bilooyin.

Hawshoodu ugu weyn ayaa ah aruurinta xogaha sirta iyo xuuraanka bulshada iyaga oo wareysanaya dadka degaanka “Waan ku faraxnaa marka ay halkaas kusoo maraan roondada, waxay ilaalinayaan xasiloonida, hadii ay arkaan cid ay ka shakiyanna way xirayaan.” Ayuu u sheegay wariyaha BBC-da Caroline, mid ka mid ah dadka deegaanka.

Kooxdan Meharists ayaa sidoo kale adeegyo caafimaad gaarsiiya bulshooyinka ku dhaqan meelaha fog fog ee xaduudda dhaca, talaabadan oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya ilaalada iyo dadka deegaanka.

Sababta kale ee ay Meharists uga fekerayaan kalsoonida bulshada ayaa ah in kooxaha argagixisadu dadka ka faa’iideystaan marka ay dadku nugul yihiin si ay uga qortaan dagaallamayaal, sidaas darteed ayeyna ugu fidiyaan dadka deegaanka gargaarka dhanka bini’aadannimo oo dawooyin ka mid yihiin.

“Marka ay dadku kugu kalsoonyihiin waxay sahleysaa inay kula wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan si looga hor tago weerarada iyo dadka laga shakiyo ee xadka kasoo gudbaya,” ayuu yiri Absar Sidi oo ah madaxa soo qabashada dadka laga shakiyo ee cutubkan.

Ciidmada Meharists oo ku jira hawlgal

Qoraalka sawirka, Waxay mararka qaar galaan hawl gal qaata bilooyin iyaga oo ku dheelmada hadba meesha uu gabbalku ugu dhoco.

Balse sannadihii lasoo dhaafay waxay cutubkani la kulmayeen qataro kale oo kaga imaanaya kooxda calooshood u shaqeystayaasha Rushka ah ee Wagner oo lagu eedeeyay inay gobolka ka geysanayaan falal dambiyeedyo. Laakiin nimankan ayaa sheegay aanay ka baqeynin Wagner diyaarna u yihiin, inkasta oo aanay ciidamada Ruushku gudaha Mauritania ku jirin.

Waxay ciidamada Meharist habeen walba xero ka samesytaan oo ay ku dheelmadaan meelo kala duwan oo saxaraha ka mid ah.

Jawiga ammaan ee Mauritania waa mid deggan balse xaaldaha ka jira dalka ay deriska yihiin ee Mali ayaa ku qasbaya inay feejignaadaan.

Mauritania kama aanay dhicin wax weerar argagixiso ah in k badan toban sano. Maamulku waxa ay sameeyeen dib u habayn ballaaran oo loogu tala galay in looga hor tago inay soo galaan dagaalyahannadu. Madaxweynaha Mauritania Muxamad Sheekh Al-Qazwini ayaa sheegay in khatarta ka jirta Mali ay halis ku tahay waddankiisa. “marka khatari ka jirto Mali waxa ay ka dhigantahay in ay khatari ku wajahan tahay waddankeenna, argagixisadu xataa hadii ay tiro ahaan iyo qalab ahaanba yaryihiin waa kuwo aad u halis badan oo aad u dagaal badan, marka ugu dambeyntii waxa aan u baahannahay inaan isku mowqif ahaanno si aanaan dagaalka ugu guul darreysan.” Ayuu yiri madaxweynaha Mauritania Muxamad sheekh Al-Qazwani.

Qaybtan ciidamada ee reer guuraaga ah ayaa awood u leh inay ka taageerto dawladda si looga hor tago kooxaha jihaad doonka ah ee soo galaya xadka, balse xakameynta amniga aagga baaxadda leh ee aan xasilooneyn ayaa ah mid adkaan doonta.

Kooxdan ayey maal gelintooda qaar ka mid ahi ka timaaddaa waddamada Midowga Yurub, taageeradan oo qayb ka ah istiraatijiyadda amniga ee gobolka ballaaran ee Saaxil.

BBC

Hadalsame Media