Macallinka Chelsea oo sameeyey arrin yaab leh markii la amray in rigooraha lagu celiyo (Daawo)

0

(London) 07 Maarso 2023 – Tababaraha kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa diidey inuu daawado rigooradii Kai Havertz, iyadoo weeraryahanka laga dalbaday inuu ku celiyo ciyaartii ay 2-1 ku badisay Blues guushoodii muhiimka ahaa ee ay ka gaareen Borussia Dortmund.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmanka ayaa birta ku dhuftay rigooradii ugu horreeysey, laakiin waxaa la siiyey fursad kale kaddib markii ciyaaryahan Dortmund ka tirsan uu soo galay diilinta ganaaxa.

Havertz ayaa isku daygii labaad si qabow kubbadda u dhex dhigay shabaqa, laakiin macallinkiisa ayaan u muuqan mid kalsooni badan ku qabey in uu dhalin karo isagoo kasii jeestey.

Waxa ay timid kaddib markii Raheem Sterling uu daah-furay goolasha qaybtii hore ee ciyaarta kaddib dhowr fursadood oo waawayn oo aysan ka faa’iidaysan kooxda martida loo ahaa.

Hadalsame Media