”Ma ogolin muddo kororsi” – Bayaan digniin ah oo kasoo baxay madaxdii hore ee DF Somalia

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2023 – Bayaan wadajir u soo saareen siyaasiyiin xilal kale kasoo qabtay dalka oo Madaxwayne ilaa RW soo noqday.

Waxaa raggaasi ka mid ah Madaxwaynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Cali Khayrre, Cumar C/Rashiid, C/Weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka, Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhin la tuhmayo inay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka kaasoo ay ujeedadiisa tahay muddo kordhin, sida la qiyaasayo.

Waxaa ay madaxdani ugu baaqeen Madaxwayne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadiida aasaasiga ah ee Dastuurka.

Hadalsame Media