Laba laacib oo muhim ah oo Man City ka tirsan & Jacaylkooda oo Milan lagu arkay

0

(Milano) 07 Maarso 2023 – Laacibiinta Ilkay Gundogan iyo Bernardo Silva waxa ay go’aansadeen inay Manchester uga aad beddeshaan magaalada Milan iyaga oo laba maalin la qaatay xaasaskooda Isniintii maanta.

Labadan ciyaaryahan ee Man City ayaa ka cunteeyey Salumaio di Montenapoleone oo caan ka ah magaaladan xarragada Talyaaniga, iyagoo usoo lebistey qaab ay ka muuqato inay mushaaxayaan.

Gundogan waxaa la socdey xaaskiisa Sara Arfaoui, halka Silva uu la joogey saaxiibtii Ines Tomaz goobta qadada ee magaalada Milano.

Afartooda ayaa aad u faraxsanaa iyagoo barxadda makhaayadda ku cunteeyey kuna kaftamay, gaar ahaan waqti yar oo fasax ah oo ay heleen bartamaha toddobaadka.

Qoraal lasoo dhigay qaybta sheekada ee Arfaoui Instagram, Silva iyo Gundogan ayaa tegey dhismaha taariikhiga ah ee Bagatti Valsecchi oo ay makhaayaddu ku taal.

Hadalsame Media