”Israel waxay wadahadal kula jirtaa 4 dal oo ay Somalia ku jirto” – Weriye Israeli ah oo Somalia ku tilmaamay ”dal fashilmay” (Daawo)

0

(Tel Aviv) 07 Maarso 2023 – Israel ayaa lagu soo warramayaa inay kala xaajoonayso dalalka Indonesia, Somalia, Niger iyo Mauritania si loo caadiyeeyo xiriirkooda ama kuwa aan abid la yeelan sida Somalia hadda loo yagleelo, sida uu faafiyey hilinka i24.

Israel ayuu hilinkani sheegay inay kula jirto wada hadal soconaya, iyadoo doonaysa inay ballaariso wax lagu sheegay ”Heshiiskii Ibraahiimiga, sida ay warbaahintani sheegtay warbaahintu maanta.

Sida laga soo xigtey warqaadka Isra’el Hayom, waloow la sheegay in wadahadalladii ku saabsanaa caadiyayntii la filayey ee xiririka Sucuudigu uu hakad ku jiro, misna Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eli Cohen ayaa ka shaqaynaya sidii loo ballaarin lahaa heshiisyada caadiga ah ee ay la saxiixdeen afar waddan oo Carbeed 2020-kii.

Warbixinta ayaa sheegtay in bilaha soo socda ay dhici karto in wadahadalladu ay keenaan inay kusoo biiraan afar dal oo kale oo ay Somalia ku jirto.

Mauritania ayaa horay xiriir diblomaasiyadeed ula lahayd Israel, balse Israel ayaa kala shaqaynaysaa dalalka Soomaaliya iyo Niger “si loo dhiso xiriir meel dhexe ah marxaladda koowaad” maadaama dalalkani aysan weligood xiriir rasmi ah la yeelan nidaamka Yahuudda, ayay tiri warbaahintu.

Weriyaha i24 ayaa markii uu maqlay magaca Somalia lasoo booday ”waa dal fashilmay”, balse weriyihii kale ayaa u sheegay in Somalia ay leedahay muhiimad wayn oo istaraatiji ah, maadaama ay isku xirto Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media