Xisbiga Wadajir oo ay mar qura iska casileen dadkii ugu badnaa (Arag magacyada & Farriin maldahan?)

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2023 – Illaa 19 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Saciid Goosh ayaa iska casilay xubinnimada Xisbiga Wadajir oo ka mid ah asxaabta Siyaasadda Soomaaliya.

Xubnaha is-casilay ayaa waxay isugu jiraan aas aasayaal, qaar ka tirsan Guddiga Fulinta iyo xubno Xisbiga ka tirsanaa.

Xubnahan ayaan sheegin sabab taban oo ay iskaga casileen xubinnimada Xisbiga Wadajir marka laga reebo inay sheegeen inuu xisbigu ku dhisnaa ”wada tashi, is ogolaan iyo dimoqraadiyad”, taasoo loo fahmey inay ku jirto farriin maldahan oo ah in taas laga bayray.

Xisbiga Wadajir ayaa la dhidbey bishii Juun 2016-kii islamarkaana ay ka diiwaangashan yihiin xubno badan ayay tahay markii ugu horreeysey ee ay si rasmi ah uga baxaan xubno intan la’eg.

Ma jiro wax wacaal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Xisbiga Wadajir ilaa haatan.

Hadalsame Media