Halkee iska shabbahaan Soomaalida & Carabtu? (Arag dhowrka meelood ee ay iskaga eg yihiin)

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2023 – Somaalida iyo carabtu in ay wax wadaagaan waa dhab, xoogaada lacagtaa ku kala duwan. Ma aadayo dhanka abtirsiinyaha ay taxaan ilaa caqiil ibn abii daalib.

Laakiin waxaan ka dhugtey dhanka dhaqanka bulshada iyo siyaasadda, horta labaduba: waa geelleey, hasha kun wiil baa u dhimata! “Xarbul basuus” hal bey ka kacday, 20 sanaa lagu hoobtay. “Guba” hal bey ka hurtay: “Cartaneey cammuud layska qaad ceelki reer dalal”, 20 saney socotey!

Qabka iyo isla weynida: qabiil walbaa qabiilka kale ka fiican! xagga siyaasadda labaduba waa: “qaran qabiilkaa ka qiima weyn”, “ciil cadaab baa ka roon” 40kii sano u dambeeyey inta ay qaran dumiyeen:

Soomaaliya Soomaali baa dumisey, Suuriya Suuriyiin, Liibiya Liibiyiin, Lubnaan Lubnaaniyiin, Yaman Yamaniyiin.

Labaduba: subixii bey dagaallamaan, galabtiina waa heshiiyaan. Iyagoon is weyddiin maxaan ku dagaallanay? Waa: horta aan dhimanno. Kadib aan is xisaabtanno. Japan, Jarmal, China, Korea, Koonfur Afrika, Turki, Taiwan, Malaysia, Singapore, Brazil, Botswana, iyo kuwo kaleba tiri.

Waa ummado caddaan, madow, indhayar leh, 40-kaa sano kuwani lahaayeen: “sidee u dhimannaa?” Waxay kuwaasi lahaayeen: “sidee u noolaannaa?”

Sidaa awgeed maanta “ukunta iyo digaagga” muqdisha laga cuno waxaa laga keenaa: Brazil, saliidda, sonkorta iyo burkana: Malaysia, Turkiga, iyo Ukraine, birta iyo alwaaxana China iyo Japan.

W; Q: Sh. Max’ed Idriis

Hadalsame Media