Fiisayaal lagu aadi karo waddan Jarmanka ku dheggan oo dadkii loo sheegay (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Manchester) 28 Feb 2023 – Waxaa la furay Wakaalad ama Agency. Waxaa la shaaciyay in la haayo fiisooyin Poland ah. Sida ay sheegeen Poland-tu waxay ku dhegan tahay Jarmalka oo ay u jirto inta ay Baar Ubax iyo Balaagsii isu jiraan.

Halkii qof waxaa Poland lagu geynaa $4500. Lacagtaas meel ayaa la wada dhiganaa oo waxay kaa dhimataa marka aad Poland tagtid oo aad iska soo horbaxdiin gaaladii indhaha cadcaddayd.

Waxaa la isticmaalaa oo howsha fududeynta fiisaha loo isticmaalaa keliya 200 doollar oo lacagtaas ka mid ah. Haddii aad heshiiska adigu ka baxdid waxaa kaa dhimanaa 500 doollar. Marka aad heshiiska saxiixdo waxay howshu ku dhammaanee 90 cisho.

Magaalada dhan oo markii horaba wada tahriib ahayd dadkii joogay ayaa soo yaacay. Isdiiwaangelintii oo markii horaba ay dhaheen dad xadidan oo 50 qof ah ayay Poland u baahan tahay, hore ayay ka buuxsantay.

Xaafad walba waxaa joogay qof fiiso sugaa oo dadkii qaar ayaa xitaa Bakaaraha ka soo gatay boorsooyinkii ay dharka ku qaadan lahaayeen. 90-kii cisho ayaa dhammaatay. Nimankii waxay dhaheen culays ayaa yimid ee qofkii sugi kara hal sano oo na ga dhiman ha iska sugo. Dadkii oo markii horaba ay oroddo ku furnayd lacagahoodii ayay ceshteen. Waxaa qof walba lacagtiisa ka go’day 200 oo howl fududeyn ahayd oo lagu heshiiyay.

Qoladii Agency-ga waxay meeshaas ku faa’iideen 50×200 oo la macno ah 10 kun oo doollar. Subaxyadii xigay waxaa la arkaayay maamulihii Agency-ga oo la soo baxay laba bajaaj oo cusub.

Jimcadii la soo dhaafay waxay hadana soo dhejiyeen ogeysiis kale oo ay lee yihiin ” waxaan heynaa fiiso Mexico ah. Waa 4000 doollar oo dammaanad leh”. Waxay lee yihiin Mexico waxay u bahaan tahay 50 qof, dadka la qaadanaa waa xadidan yihiin.

Magaalada waa la kala shaqeysanaayaa ee ma heysaa lacag aad weysay meel aad geyso?

W; D: Cabdirisaaq Jidhi

Hadalsame Media