”Waa sax inay is dagaalaan” – Roy Keane oo soo dhoweeyey dagaalka Casemiro iyo Bruno Fernandes (Waxa ay isku maageen?)

0

(London) 27 Feb 1023 – Roy Keane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko muran u dhexeeya laacibiinta Casemiro iyo Bruno Fernandes kaddib guushii ay Man United ka gaartey Carabao Cup, maadaama uu dareemay inay taasi muujinayso ‘danayn dheeraad ah.’

Kooxda Erik Toban ayaa ku badisay Wembley Axaddii kaddib goolal ay ku qaaraameen Casemiro iyo Marcus Rashford, laakiin taasi kama aysan joojin laacibka shanta jeer haysta Champions-League ee u dhashay reer Brazil inuu farta ku fiiqo mid ka mid ah asxaabtiisa.

Fernandes ayaa helay fursad fiican oo uu ciyaarta kaga dhigi karey 3-0 daqiiqadihii xiritaanka, laakiin toogtiisa waxaa ka bixiyey Loris Krius.

28-sano jirkan ayaase lahaa xulashooyin badan oo labada dhinacba ah markii uu tooganayey kubadda, waxaa ka mid ahaa laacibka Jad Sancho oo taagnaa boos aad u wanaagsan, taasoo ah midda uu Casemiro ku qabsaday kaddib dhamaadkii ciyaarta.

Tan ugu daranise waa in Keane uu dhacdadan soo dhoweeyey isagoo muujiyey in United ay marayso meel wanaagsan, isagoo  ku yiri Sky Sports: ‘Waan jeclahay murankaas, wax kastoo ay ka doodayeen, waayo waxay la micne tahay inay wax danaynayaan.’

Hadalsame Media