Hay’ad caalami ah oo MW Somalia ugu baaqday inuu dib u dhigo saxiixa Sharciga NISA + Dhaliisha

0

(Muqdisho) 27 Feb 1023 – Hay’dda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday MadaxweynahaSoomaaliyainuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedkaHay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, kaasoo hay’addu sheegtay inuu ballaarin doona awoodaha NISA oo horey loogu bartay tacaddiyada.

Hindise sharciyeedka cusub oo uu ansixiyay Barlamaanka Soomaaliya ayaa NISA waxaa uu siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku qaban karto, xabsi ku hayn karto, isla markaana ay dabagal ku sameyn karto, iyadoo ay yartahay korjoogteynta madaxa bannaan sida ay leedahay Human Rights Watch.

“Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka ‘wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya’.” Ayaa lagu yiri war bixinta

Sida ay sheegtay Hay’addu “Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.” Ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ku qornaa warbixinta

Sidoo kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar badan diiwaangelisay tacadiyadda NISA, gaar ahaan xariga iyo xabsi ku haynta, waxaana kamid ah sida ay HRW sheegtay “in dadka ay muddo dheer xabsi ku hayso iyagoo aan maxkamad la geyn. Muddo xileedkii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2017), NISA ayaa xabsiga dhigtay carruur, kuwaas oo ay si adag ula dhaqantay, oo ay isugu dartay su’aallo weydiin, in ay arki waayaan qareenno iyo ehelkooda, cagajugleyn, garaac iyo jirdil” ayaa lagu yiri war bixinta.

BBC

Hadalsame Media