”Erik ten Hag ha is casilo!” – Muxuu sameeyey oo uu Roy Keane sidaa u yiri? (Daawo)

0

(Muqdisho) 26 Feb 2023 – Roy Keane ayaa ugu baaqay Erik ten Hag inuu ‘iscasilo’ kaddib markii ay warfidiyeennadu duubeen macallinka Manchester United oo qoob ka ciyaar la samaynaya Lisandro Martinez iyo Antony.

Ten Hag, oo guulo la gaarey laacibiintan waayihii ay Ajax wada joogeen labada ciyaaryahan, ayaa u muuqdey inay dib usoo gocanaya qoob ka ciyaar ay ku wada dabbaaldegi jireen markii ay wada joogeen Holland.

Waraysi uu bixiyey macallinka reer Holland ciyaarta kaddib, Sky Sports ayaa macallinka United u shiday muuqaalka xilli uu garab taagnaa arbayaashii hore sida Roy Keane, Les Ferdinand iyo David Ginola.

Keane ayaana wuxuu kula kaftamay. ”Waa inaad is casishaa taa kaddib. Waa inaad is casishaa. Caawa!” ayuu ku celiyey.

Ten Hag ayaa markaa u muuqdey inuu sharraxayo sababta uu ku yimid qoob ka ciyaarkan oo uu sheegay inuu salka ku hayo waayihii Ajax isagoo leh ”raggan taariikh baa naga dhexaysa.”

Hadalsame Media