”Waxay iigu hanjabeen geerida carruurtayda” – Taageerayaal Chelsea ah oo fal aad u xun kula kacay Graham Potter

0

(London) 25 Feb 2023 – Graham Potter oo naxsan: “Taageerayaasha Chelsea ayaa waxay ii sheegeen inay rabaan inay arkaan caruurtayda oo dhimanaysa,” ayuu isagoo qiiraysan u sheegay warbaahinta.

Macallinka Chelsea ayaa hanjabaad dil ah oo ka dhan ah isaga iyo caruurtiisa waxaa u diray isla taageerayaashiisa Chelsea oo Graham Potter oo Blues qabtay bishii Sebtembar u arka halka ay uga timid bandhig xumada ka haysata EPL tan iyo kasoo noqodkii Koobka Adduunka iyagoo haatan 10-aad uga jira Premier League.

Potter ayaa muddo dheer waxaa hayey indhaha jamaahiirta kaddib billowgii qurxoonaa ee bisha malabka, iyadoo at guuldarro kusoo gaartay Stamford Bridge usbuucii hore xilli ay hogaanka u haysey Southampton, taasoo ku dhamaatay in dadka garoonku ay ku fooriyaan kooxda.

Haatan se, dhaliishu aad bay u fogaatey: Potter ayaana waxa uu u sheegay in iimaylka loosoo diray uu si gaar ah uga xumaaday maadaama xitaa isaga la dhaafay oo ilmihiisii loo tillaabay iyadoo geeri loo rajaynayo.

Hadalsame Media