DIB U EEGIS: Maxay Itoobiyaanku ka aaminsan yihiin sababta ku kalliftay inay cunaan hilib CEERIIN ah?

0

(Hadalsame) 25 Feb 2023 – Xabashida dal iyo dibadba waxay cunaan hilibka lo’da iyo hilibka ariga ee ceeriinka ah. Magaalada Addis Ababa, oo ah magaalo casri ah oo mashquul badan oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3.5 milyan, dadka hilibka ceeriin jecel ayaa kusoo qulqula kawaannada hilibka ee lagu iibiyo hilibka ceeriinka ah waqti kasta oo maalintii ah.

Yeelkeede, midda la isku khilaafo waa halka uu ka yimid jacaylka ay Xabashidu u qabaan hilibka lo’da ee ceeriinka ah kaasoo lagu sheego mid leh asal dhaqameed, amaba ay dhaliyeen duruufo dagaal oo hadda kahor dhexmaray Soomaalida iyo Itoobiya.

Solomon Tessema, oo ah borofisoor ku-xigeenka cilmiga fanka iyo luuqadda ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa aaminsan in fanka iyo muusigga Itoobiya ee qadiimiga ah iyo kuwa casriga ahba ay ka muuqato in cunista hilibka ceeriin ay tahay mid bulsho ahaan muddo dheer la aqbalsanaa.

Richard Pankhurst, oo ah masuul taariikhda Itoobiya u dhuun daloola, ayaa raadraaca hilibka ceeriin ee Itoobiya laga cuno ku sheegay mid dib ugu noqda ilaa horraantii qarnigii 16-aad.

Mekuria Mekasha, oo isna ah borofisoor ku-xigeen saxaafadda ka dhiga isla jaamacaddan, ayaa ku tilmaamay caado ahaan ay arrintani tahay “wax muujinaya xiriirka dhaqameed ee ka dhexeeya dadka Itoobiya.”

“Muddo qarniyaal ah, hilibka ceeriin waxaa cuni jirey dhammaan qowmiyadaha iyo dadka Itoobiya ee kala raacsan diimaha kala geddisan,” Mekasha ayaa sidaa u sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee AA isagoo hilibka ceeriin ku tilmaamay “cunto qaran.”

Yeelkeede, waxaa jirta xog kale oo sheegaysa in Itoobiyaanku ay hilibka ceeriin barteem berigii ay dagaallamayeen Boqortooyadii Xabashida (Ethiopian Empire) iyo Saldanaddii Cadal (Adal Sultanate) ee qarnigii 16-aad.

Sida ku qoran bogagga taariikhda qaar markii ay ciidammadii Soomaalidu soo galeen aagga webiga Niilka Buluuga ah iyo Harada Tana, askarta Itoobiya oo ka dhuumanaya ciidankii Soomaalida ee Cadal ayaa waxay bilaabeen in ay cunaan hilib ceeriin xilliyada habeenkii, iyaga oo ka baqaya in qiiqa iyo dabku ay booskooda sheegaan oo sidaa lagu soo weeraro.

Xeeladdaas millateri ee lagaga hortegayey in la ogaado aaggooda ayaa waxay isu beddeshey cunto macaan oo la jecel yahay, sida ay qabaan dadka qaar.

Halkan kasii aqri sida ay Itoobiyaanku taas u arkaan….

Aragti kale waxay qabtaa in arrintani tani dhaqan ab laga soo gaar ah oo soo taxnaa muddo xitaa kasii horreeysey dhalashadii Nabi Ciise CSW oo ku beegan ilaa 3,000 oo sanadood kahor. Halkan ka aqri…

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media