Midowga Yurub oo telefoonnada shaqaalihiisa ka mamnuucay app-ka Tik Tik & Halista lagu arkay

0

(Brussels) 24 Feb 2023 – Midowga Yurub ayaa 32 kun oo shaqaalihiisa ah ku amray in ay TikTok ka tirtiraan mobiladooda iyo dhammaan agabka elaktarooniga ah ee Midowga, sababo lala xariira amniga iyo badqabka xogta ku kaydsan. Waxay sheegeen in xog kasta oo ku kaydsan moobeellada iyo kumbuyuutarrada uu TikTok ku degsanyahay laga daalacanayo dalka Shiinaha oo isaga iska leh TikTok.

Horay dalka Hindiya ayaa u mamnuucay TikTok, halka Kongareeska Maraykanka uu ansixiyey in shaqaalaha dawladda Maraykanka ee heer federaal laga mamnuuco Application-kaas.

Ka sokow walwalka amni ee la sheegay, waxaa jira walwal kale oo la xariira in TikTok uu dhaawacayo maskaxda dhallinyarada, sababtoo ah wuxuu ku shaqeeyaa algorithm oo ah wixii aad halmar daawato kumanaan la mid ah in uu daqiiqad walba ku soo hordhigayo, taasoo ay adagtahay in aad joojiso fiirsashadooda, maadaama ay yihiin muuqaalo kookooban oo xiiso badan leh. Waxay dhallinyarada ka luminaysaa waqti, iyo wax kasta kasta oo feker, maskax tuujin iyo diirad saaridda (focus) la xariira.

Shiinaha oo TikTok soo saaray wuxuu leeyahay nooc gaar ah oo TikTok ah oo dhallinyarada da’doodu ka yartahay 14-ka sano ay ka daawadaan muuqaallo saynis, waddanka iyo hidaha dalka, aqoon kororsi iyo waxbarasho, waxaana loo xaddiday in ay 40 daqiiqo oo keli maalinkii TikTok daawadaan.

Cod bixin laga qaaday dhalliyarada aan weli qaangaarin ee Maraykanka iyo Shiinaha ee la waydiiyey maxaad jeceshay in aad Mustaqbalka noqotiin, kuwa Maraykanka waxay badankood sheegeen in caan noqdaan oo bulshada saameeya (influencer), halka kuwa Shiinaha ay u bateen Cirbixiyeen.

Haddii ay run tahay in xogtaada khaaska ah la daalacan karo, waqti ku dayacmayo, dhallinyaro iyo dad waawaynba lagu dhex saaqidayo, dadkii soo saarayna ay si dantooda ah u adeegsanayaan, way haboon tahay in halistaas loo foojignaado.

W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hadalsame Media