Halyeey Man United ah oo sheegay in Erik Ten Hag uu qaadi doono jidkii guulaha ee Alex Ferguson + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Halyeeyga Manchester United ee Peter Schmeichel ayaa isbarbar dhig ku sameeyey waxa uu hadda ku arko kooxda uu hoggaamiyo Erik ten Hag iyo waagii uu garanayey ee Sir Alex Ferguson.

Waxay kelmaddani ka timid kaddib markii United ay ka badisay Barcelona kulan xiiso leh oo ka tirsan Europa League, guushaas oo ka dhigan mid muhim u ah soo noolaynta kooxdan wayn ee uu wado macallin Ten Hag.

“Waxay SAF ku qaadatay 10 sano inuu gaaro heerkan. Aniga ahaan, xilli ciyaareedkan, wax walba runtii way dhici karaan,” ayuu Schmeichel ku yiri BBC Radio 5 Live kaddib guushii Khamiistii.

“Manchester United wax walba way ku guulaysan kartaa ama waxba ma qaadi karto, laakiin waxaan aragnay horumarka socda. Xaalad kasta waxaa si sax ah wax uga qabtay Erik ten Hag, sida macallin wanaagsani uu yeeli lahaa.

“Sidii nin guuleedkii Sir Alex Ferguson oo kale… Waxaan fadhiyaa halkan anigoo ku fekeraya, ‘Cajiib!, waxaan helnay ninkii saxda ahaa.” Ayuu raaciyey qabtihii hore ee reer Denmark oo Seddaxleeydii caanka ahayd la qaaday United.

 

Hadalsame Media