”Fadlan ciyaar doorkaaga!” – Arrin uu wax ka qaban karo Wasiirka Cadaaladda oo uu dalka oo dhami iskugu lug xiran yahay

0

(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Cadaaladda iyo Sareynta Sharciga: Shirarka beelaha iyo doorashada markasta laga cabanayo waa tabasho cadaalad dari.

Soomaaliya waligeed iskuma helin labada erey ee kor ku sheegay. Waa jirtaa in dastuur 60-kii loo codeeyey iyo midka qabyada inooyaalo laguma guulaysan in markasta lagu dhaqmo.

Waxaa cajiib ah inaanan wali laheyn maxkamad dastuuri, Guddi adeeg garsoor iyo garsoor ka madax banaan golaha fulinta. Lagama sheekayn karo hey’adaha kale sida guddiyada doorasho heer dowlad goboleed Iyo mid federaal oo aan madax banaanayn, oo maalinba goloha fulinta shaar laeg utoshtaan.

Hadaba, wadan aan laheyn hay’ado madaxbannaan, dastuur qabya ah oo aan turxaan baxsanayn waa hubaal in aan wadan lagu wadi karin.

Si looga baxo dhibkaan waxaaan ku boorinayaa wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Mudane Wasiir Xasan Sheekh Cali oo aan aqoon iyo waaya aragnimo badan Ku tuhmayo, welibana heysta Madaxwayne iyo xukuumad ay isku xisbi yihiin, in mudo xileedkaan yar uu xoogga saaro in uu waddanka udhiso hay’adaha ka maqan, dastuurkana dhameystiro, dib-u-habayn ku sameeyo maxkamadaha qaylada kasoo yeereyso habeen iyo maalin.

Hadii kale dhibkaan, tiihaan iyo musuqaan waa lagu sii jirayaa masuul iyo shacaba qofba maalintiisa ayuu dhadhaminayaa cadaalad darrada.

W; Q: Khadar Imaaciil

Hadalsame Media