Suugaan ahaan maxay tahay sababta keentay fal-celinta “dhimashada” muuqaalka Ducaale (Dad moodey inuu yahay oday Laascaanood lagu diley)

0

(Hadalsame) 21 Feb 2022 – Fal-celinta dadku ka sameeyeen geerida shakhsiyadda (character) Ducaale waxa ay ina tusaysaa sida bini’aadanku sheeko khiyaali ah u curin karaan dabadeedna ay ugu ekaan karto biyo kama dhibcaan ah.

Keliya dhalanteedka waaqiciga ah (REALISTIC FICTION) ayaa sidaa samayn kara oo dhabta iyo dhalanteedka isu ekayn kara. Dhalanteedka jacaylka ah (Romanticism fiction) iyo fantasigu marnaba dhab u ma ekaan karaan.

Waxa aan xusuustay gabadh akhrisay sheekada WAAYIHII WARSAME oo inta email ii soo dirtay igu tiri “runta ii sheeg, Idil dhab ahaan uma dhiman sow maaha?”

Sheekadu in ay hal’abuur tahay sow ma ogid?” Baan ku iri. Markaa ayay tiri “waan og ahay laakiin ii xaqiiji in aysan Idil dhiman”.
Aniga qudhayda ilaa maanta waan ka naxaa sidii fooshaxumayd ee aan Idil u dilay.

Sheekada Ducaale waxa u tusaale u tahay sida sheekooyin badan oo aan dhab ahaan u rumaysan nahay in aysan dhab ahayn sida, Isaaq, Daarood iyo Hawiye, u na yihiin shakhsiyad Ducaale oo kale ah.

Bal qiyaas dadkii xalay Ducaale u maleeyay oday reer Gebiley ah oo Laascaanood lagu dilay, haddii saaka aan runta loo sheegi lahayn?

200 oo sano kaddib isirkoodu waxa ay rumayn lahaayeen in 2023 oday Ducaale la yiraahdo oo horor ah Daraawiish Laascaanood ku dishay.

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media