2 dhulgariir oo cusub oo ilaa Afrika laga dareemay oo ka dhacay Turkiga

0
TOPSHOT - Syrian soldiers look on as rescuers use heavy machinery sift through the rubble of a collapsed building in the northern city of Aleppo, searching for victims and survivors days after a deadly earthquake hit Turkey and Syria, on February 9, 2023. - The 7.8-magnitude quake early on February 6 has killed more than 17,000 people in Turkey and war-ravaged Syria, according to officials and medics in the two countries, flattening entire neighbourhoods. (Photo by AFP) (Photo by -/AFP via Getty Images)

(Ankara) 20 Feb 2023 – Dhulgariir cusub oo uu cabirkiisu yahay 6.4 ayaa hadda ku dhuftay xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Siiriya kaddib midkii horraantii bishan burburiyey dalalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof.

Dhulgariirka haatan ka dhacay gobolka Hatay ee dalka Turkiga ayaa gaaraya 2km (1.2 mayl), sida ay sheegtay Xarunta Qiimaynta Dhulgariirka Yurub.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay magaalada Defne saacadu markay ahayd 8:04pm (17:04 GMT) waxaana si xooggan looga dareemay magaalooyinka Antakya iyo Adana oo 200km (300 mayl) dhanka woqooyi ka xiga.

Dhulgariirka labaad oo cabbirkiisu ahaa 5.8 ayaa ka dhacay degmada Samandag ee Hatay halkaasoo uu gilgiley dhowr daqiiqo kaddib, sida ay sheegtay Hay’adda Maaraynta Xaaladaha Deg degga ah ee Turkiga.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha dhacay, waxaase ay maamulladu xaqiijiyeen inay dheceen 20 dhulgariir xigeen oo ka dambeeyey 2-da dhulgariir ee wayn.

Ha yeeshee, Wakaalada Wararka ee Anadolu ee ku hadasha afka dowlada Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariirkan laga dareemay dalalka Syria, Jordan, Israel iyo Masar.

Hadalsame Media