Maxaa ka jira in DF arxandarro ay Shabaabku adeegsan jireen kula dhaqmayso degaanno ka tirsan Gobollada Dhexe?

0

(Muqdisho) 19 Feb 2023 – Dowladda Soomaaliya waxay bishii hore go’doomisay deegaannada Galmudug ee u dhexeeya Ceeldheer, Xarardheere iyo Maxaas. Sababtana waxay dowladdu ku sheegtay in ay Al-Shabaab haystaan. Dhawr asbuuc ayay Masagawaay ku xayiran yihiin baabuurtii raashinka u wadday Ceelbuur, Galhareeri, Ceelgaras ilaa Xiindheere.

Waxaan maanta dhegaystay Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Maxamed Tahliil Biixi oo go’doonkan ka hadlay. Janaraal Biixi wuxuu BBC u sheegay in dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug oo is kaashanaya ay deegaannadaas ku soo rogeen cunaqabateyn dhan walba ah, lana joojiyay wax kasta oo u socdo. Wuxuu intaas raaciyay in Al-Shabaab ay baahi u kala carari doonaan, iyadoo aan xabbad lagu ridin.

Taliye-ku-xigeenka Guutada 7aad, ee qeybta 21aad, Korneyl Maxamed Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo cunaqabateyntan uga warramay Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed wuxuu dadkaas ugu baaqay in ay deegaannadaas ka soo guuraan. Wuxuuna isla wareysiga ku sheegay in dadka ku nool goobaha ay Al-Shabaab haystaan, ay iyaga la mid yihiin.

Dadkaas Al-Shabaab ka hor ayay ku noolaayeen deegaannadooda, hal iyo labo qofna ma aha ee waa ku boqol jibbaarmaan. Waxaase muuqata in dowladdu ay isla qaadatay hadalka Korneyl Foofoo, oo ay dil ku xukuntay dadka deegaannadaas ku dhaqan, ayna rabto in ay baahi u dhintaan.

Gawaari raashin u waddo deegaanka Dac waxay asbuucyo ku go’doonsan yihiin Masagawaay, oo dadkii la socdayna ay ku rafaadsan yihiin. Taasi waxay sababtay in cuntadii gabaabsi tahay oo kiiladii sokor ah la iibinayo 100 kun ka badan.

Dowladdu waxay dadkaas ugu baaqday in ay ka soo guuraan. Oo maxaa laga soo barakicinayaa deegaannadooda? Oo maxay ku soo guurayaan, haddii baabuurtii ay soo raaci lahaayeen ku xaniban yihiin Masagawaay. Xitaa haddii baabuur la helo, tolow yay dowladdu rabtaa in ay maamusho haddii shacabku deegaannadaas ka soo wada cararaan?

Dowladdu deegaanno badan ayay horay uga qabsatay Al-Shabaab, mana jirin meel la go’doomiyay oo cunnadii laga gooyay iyo dad lagu sheegay in ay Al-Shabaab la mid yihiin. Ma fahmin waxa dadkaas gaar ku ah oo ay dhibkaas ku muteen.

Dowlad waa tii shacabkeeda nooleyso, waxaase muuqata in ay ku talagashay in ay dadkaas baahi u disho. Garashoxumo iyo arxandarro tii ay ka tahayba, maskaxda ku fikirtay in shacab boqolaal kun ah la go’doomiyo, si loo beegsanayo koox gaar ah, waxaa ka muuqata doqonnimo iyo qeyrumasuulnimo. Waxaase argagaax leh in madaxda dalku ay go’aankaas isla qaadatay, oo ay shacabkaas maanta dhibbanayaal u yihiin wax aysan dooran.

W; Q: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media