Laacib xiddigihii waawaynaa ee NBA uga yaabiyey xarragada uu u dhalin karo riboonka (Daawo)

0

(Hadalsame) 19 Feb 2023 – Xiddiga kubadda kolayga ee soo baxaya ee Mac McClung oo ka ciyaara heerka 2-aad ee NBA G-League, ayaa u muuqda mid keligiis dib ugu soo celiyey dhalaalkii tartanka in si farshaxan ku jiro loo dhaliyo kubadda kolayga oo si wayn loo dareemayay in la mamnuucay sanadihii ugu dambeeyey.

McClung, oo dherer ahaan 6-cagood-2 ah daafacana uga ciyaara Philadelphia 76ers ee NBA, balse waxa loo yaqaan qandaraas laba-dhinacle ah ugu safta Delaware Blue Coats oo ka ciyaarta heerka 2-aad ee NBA G League., ayaa ka adkaaday laacibka New Orleans ee Trey Murphy III oo ay iskugu hareen final-ka tartanka riboon DHALINTA ee Dunk Contest, tartanka NBA All-Star ee Sabtigii shalay oo ay joogeen dhammaan xiddigaha waawayn ee NBA.

McClung oo goolka koowaad inta kubadda dunnaystay wuxuu ula soo dhaqaaqay dhanka riboonka isagoo deeto inta boodey oo dhowr jeer dhexda isku laba rogey kaddib riboonka si qiyaasan ugu haruubiyey kubaddii.

Markale, wuxuu ka dul boodey laba qof si uu inta kubadda qabsado uu riboonka u geliyo isagoo ku duulaya joog sare.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsan ahay waana uga mahadcelinayaa NBA-da fursadan ay i siiyeen.” ayuu yiri McClung oo hadlayey.

Hadalsame Media