Turkiga oo deeqda ay bixisay uga mahadceliyey Somalia (Qaab foowdo ah oo ay wax ku socdaan)

0

(Hadalsame) 18 Feb 2023 – Turkiga iyo Suuriya ayaa waxaa 6-dii bishan ku dhuftay dhulgariir ba’an oo gaarayey 7.5 kaasoo geerida uu keenay ay haatan kor usii dhaaftay 46,000 oo qofood.

Dalka Somalia oo xiriir dhow la leh Turkiga ayaa ku dhawaaqay qaaraan loo ururinayo dhibbanayaasha Turkiga oo bilowgiiba lagu meel dhigay ilaa 5m oo Doollar.

Maantana Xildhibaannada Aqalka Hoosee Baarlamanka DF ayaa 20% mushaarkoods iska jaray si loogu deeqo Turkiga.

Turkiga ayaa haatan aad uga mahadceliyey tillaabada ay qaadeen Xildhibaannada, waloow sidan oo kale aysan marna wax ugu hurin shacabkooda.

“Waxaan ka mahadcelinaynaa Xildhibaannada oo 20% iska gooyey si ay ugu caawiyaan dhibanayaasha dhulgariirka Turkiga.” Ayay tiri Safaaradda Turkigu.

Sidoo kale, Gobolka Banaadir ayaa 250,000 isna ugu deeqay Turkiga isagoo ku wareejiyey Safaaradda Turkiga.

Dad badan ayaa qaba inay ku fiicnayd in dowladdu hal mar bixiso wixii ay Turkiga siinayso halkii qaab foowdo oo kale ah marba hay’adi u tegi lahayd.

Hadalsame Media