DAAWO: Arrin looga digey Arsenal haddii ay doonayso inay ka dhabayso qaadista Horyaalka EPL (Taageerayaasha oo ka walaacsan)

0

(Birmingham) 17 Feb 2023 – Laacibka Martin Odegaard ayas lumiyey fursad qaali ahayd intii ay socotey ciyaartii ay Arsenal‘s 4-2 kaga badisay Aston Villa galabta.

Gunners ayaa kasoo dagaallantay sidii ay uga soo laaban lahayd 2-1 ay qaybtii hore ee ciyaarta ku hoggaaminaysey goortii uu isla xiddigga reer Norway kubad u dhigay Oleksandr Zinchenko kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Ciyaartan oo ay Gunners ogayd inay khasab ku tahay inay badiso si ay uga cararto cadaadiska Manchester City oo barbarro gashay, ayaa raacis ka timid Eddie Nketiah ay keentay inay diilinta ganaaxa kubadda ku hesho kooxda reer London, wuxuuna kubbaddii ku sallimay Odegaard.

Laakiin si aan looga baran, ciyaaryahankan oo xilli ciyaareedkan Arsenal ka dhex muuqday isagoo sameeyey sideed gool, lixna caawiyey, ayaa kubbadii cunay isagoo niyad jab jilbaha dhulka la dhigtay.

Jamaahiirta Arsenal ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in ay ka xun yihiin fursaddaas oo kale in la lumiyo, iyagoo garwaaqsaday in gool cunista noocan oo kale igu ay saamayn wayn ku yeelan karo rajadooda hanashada horyaalka waqtigan xasaasiga ah.

One fan wrote: ‘Can’t miss that chance in a title race. No way. Not been Eddie’s day but he did brilliantly there. Odegaard will be seeing that in his nightmares’

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo qoray: ‘Ma lumin kartid fursadaas iyadoo lagu jiro tartan horyaal. Ma dhici karto. Ma ahayn maalintii Eddie laakiin si cajiib ah ayuu halkaas u sameeyay. Odegaard wuxuu arki doonaa taas riyooyinkiisa.

 


Hadalsame Media