XOG xasaasi ah oo ku saabsan diyaarad istaraatiji ah oo aanu jirin dal kale oo dunida haysta oo loo daadinayo Maraykanka + Sawirro

0

(Hadalsame) 17 Feb 2023 – Injineer ka tirsan Ciidamada Ruushka oo sheegay inuu ka soo shaqeeyay diyaaradda TU-160 White Swan ama Blackjack oo ah mid ka mid ah diyaaradaha sameeya duqaymaha istiraatijiyadeed islamarkaana Ruushka ugu casrisan ee nukliyeerka xambaara, ayaa ballanqaaday in uu sirta millateri ee diyaaraddan uu usoo bandhigi doono Dowladda Maraykanka.

Warbixin qarsoodi ah oo ka timid dhanka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha (CBP) oo la dusiyey ayaa sheegaysa in ninkan iyo qoyskiisu ay yimaadeen xadka Maraykanka iyo Mexico dabayaaqadii Diseembar oo ay codsadeen magangelyo, sida uu sheegay Yahoo News.

Ninkan ayaa ka shaqaynayey samaynta diyaaraddan laga bilaabo 2018 ilaa 2021 gaar ahaan wershadda diyaaradaha ee Tupolev ee magaalada Kazan ee galbeedka-dhexe ee Ruushka, sida ku cad warbixinta CBP ee ay heshay Yahoo News.

Ninkan ayaa ku andacoodey in kaddib markii uu ka qaybqaatey mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo Putin oo lagu taageerayey ninka mucaaridka ah ee Ruushka ee Alexei Navalny oo haatan xiran, uu ka baqay in la ciqaabo.

Marka la eego aqoonta uu u leeyahay tiknoolajiyadda difaaca Ruushka, maamulka CBP waxay ninka u arkaan mid lagu kalsoonaan karo oo qiimo wayn ugu fadhiya Maraykanka, sida uu yiri Yahoo News.

Diyaaradan TU-160 ayaa la sheegay inay tahay diyaaraddan ugu casrisan kuwa istiraatijiga ah ee Ruushka, iyadoo sidoo kale loo adeegsado duqaymo taatiko ah oo dhanka cirka ah, gaar ahaan waxay kuwii ugu dambeeyey ka fulisey dagaalka ka socda dalka Ukraine.

MAXAY TAHAY? Waa diyaaradda ugu wayn dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee leh baalasha laa-laabma taariikhda duulista millateriga insaanka, sidoo kalena waa diyaarada dagaal ee ugu culculus aduunka gaar ahaan diyaaradaha bamarka loo yaqaan.

Awooddeeda, sharafta iyo shacnigeeda awgood, ayaa Tu-160 waxa si aan rasmi ahayn loogu magac daray shimbirta “White Swan”.

Waxay gaari kartaa 12 300 oo km, iyadoo ku socota xawaare sare oo ay ku jarayso 2 220 km/saacaddii. Waxay dhan yihiin 36 xabbo (9 tababar ah iyo 27 xabbo oo rigli ah), waxayna duullimaadkii ugu horreeyey samaysay 18 Diseembar 1981-kii.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media