GAR-NAQSI: Hadalkii Sh. Umal & Aamuskii Sh. Mustafe labada waa la qabyaaladeeyey (3 qodob oo qiil siinaya Sh. Mustafe)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2023 – Waxaa beryahan soconaya dood ka dhalatay dad si woxoogaa xishoodka ka arradan u dhaleeceeyey Sh. Mustafa Ismaaciil Haaruun.

Waxay dadkaasi Sheekha ku dhaliilayaan in, sida ay ku doodeen, uusan ka hadlin dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhexeeya Somaliland iyo dadka degaanka.

Haddaba, waxaan u garqaadaynaa Sheekha iyo dadkaa dhaliilaya annagoo dul istaagayna ilaa 3 qodob oo muhim ah:

1 – Sheekh Mustafa caado uma lahayn inuu sideedaba si mucayin ah uga hadlo dagaal gaar ah ama wax kale oo ay Soomaalidu isku hayaan ha ahaato wax ay tirsanayso beesha la xijinayo ama laga tirsanayo intaba.

Sidaa darteed, maadaama uusan awal si qayaxan uga hadli jirin waxyaabaha ay Soomaalidu isku hayaan ma jirto sabab markanna loogu dirqiyo inuu ka hadlo.

2 – Cid kasta ma aha inay siyaasadda ka faallooto. Waxyaabaha ay Soomaalidu dunida kale uga duwan tahay waa inuu qof kasta siyaasaddii falanqaynayo si ka duwan dunida oo aysan dadka qaar marna ka hadlin siyaasadda.

3 – Culamada waa in la ixtiraamaa oo culumo ahaan loo qiimeeyaa lana joojiyaa dhaqanka yaqyaqsiga leh ee sii kordhaya ee si sahlan la iskaga cajarafadaysanayo.

Tusaale, Sh. Umal ayaa Jimcihii hore ka hadlay arrinta Laascaanood, yeelkeede, waloow uu si wanaagsan uga hadlay dad baa warkiisii qabyaaladeeyey sida aamuska Sh.

Mustafe loo durayba. Marka ay halkaa taagan tahay aan ku noqonno malaheenna wasakhaysan oo aan muujinno mala wanaag (xusni danni), halkii aan wax kasta gelin lahayn khaanad bugta.

Tan kale, haddii la maagay oo qabyaalad lala galay qaarkii hadlay soow ma saxna inay culimada kale iska aamusaan? Haddiise ay culamadii qaar hadleen maxay khasab u tahay inay kulligood wada hadlaan? Aan isku noqonno.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media