Neymar oo lala xiriirinayo kooxo ka dhisan EPL ayaa ku dhaqaaqay tillaabo kasii fogaynaysa taageerayaasha PSG

0

(Paris) 16 Feb 2023 – Neymar ayaa la sheegay in uu ka qaybqaatay tartan turub ah kahor inta uusan aadin makhaayadda cuntada fudud ee McDonalds kaddib guuldaradii 1-0 ahayd ee Paris Saint-Germain kasoo gaartey Bayern Munich.

Ciyaaryahan Kingsley Coman ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta goolka u dhaliyey Bayern Munich lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League oo ay la ciyaareen kooxdiisii hore ee PSG.

Isagoo hadlayey ciyaarta kaddib, Kylian Mbappe ayaa sheegay in asxaabtiisa ay tahay inay ‘si fiican u seexdaan oo ay si wanaagsanna wax u cunaan’ kahor kulanka lugta labaad ee Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey RMC iyada oo xiganayey 10 Sport, Neymar Jr ayaa waxa uu ka qaybgalay ‘Tartanka Turubka Yurub’ ee ‘European Poker Tour’ oo ka dhacaya Paris kahor inta uusan weliba usii dhaafin McDonalds habeenkii Arbacada, tiiyoo ay guuldarro kululi kooxdiisa PSG dhanka Champions League kasoo gaartey Talaadadii.

Mid ka mid ah taageerayaasha oo aad u caraysan ayaa soo qoray: ‘Markii Mbappe uu yiri “si fiican wax u cuna” kama hadlaynin McDonalds’. Mid kale ayaa ku daray: ‘Waa inaad si fiican wax u cuntaa oo aad si fiican u seexataa.” ayuu yiri Mbappe.

Warkan ayaa sii xoojinaya warar gelinkii hore soo baxayey oo sheegayey in Neymar laga yaabo inuu ka tago kooxda reer France.

Madaxwaynaha PSG Nasser al Khelaifi iyo milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay Paris si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada in Neymar Jr loo wareejiyo dhanka Chelsea, sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen ESPN.

Hadalsame Media