”Meeshaa kuma gaari karno” – Macallin Arteta oo qiray meesha ay xalay ku dishey kooxda Man City

0

(London) 16 Feb 2023 – Macallinka Mikel Arteta ayaa qirtay in kooxdiisa Arsenal ay xalay dhibco ”haddiyad” ah siisay Manchester City oo kooxdiisa badday guuldaro ay 3-1 kaga badiyeen Gunners habeenkii Arbacadii xalay.

Waxay u ahayd habeen aan u roonayn xusuusta Arsenal oo lumisay kaalinta koowaad ee Premier League waloow ay weli isku dhibco yihiinna looga tegey farqiga goolasha, waxaana goolasha Man C u kala dhaliyay Kevin De Bruyne, Jack Grealish iyo Erling Haaland.

Waxa uu intaa ku daray in uu aad u aaminsan yahay in Gunners ay ku guulaysan karto horyaalka kaddib markii, sida uu qabo, ay ciyaarta la qaybsadeen kooxda difaacanaysa horyaalka.

Arteta ayaa yiri: “Wax farqi ah uma aanan arkin, markii nin ka nin naloo eego se way sare naga fiican yihiin, laakiin si fiican ayaan u cadaadinney.” Waloow uu qiray in lagu ciqaabay khaladaad dugsi hoose ah oo aan ku haboonayn kulankan oo kale.

“Waxaan hadda aaminsan ahay in sidii hore ka badan (ku guulaysiga horyaalka) sababtoo ah waxa aan arkaa koox iska dhicin karta iyaga (Man City). Waxaan aaminsan ahay ciyaartooydayda.” ayuu raaciyey isagoo qiray in City ay ka xooggan tahay marka la isu eego ciyaartooyada labada dhinac.

Hadalsame Media