Laacibka Mbappe oo soo qoray hadal ay aad ugu farxeen taageerayaasha Man United & Rashford oo kasii farxiyey

0

(Hadalsame) 16 Feb 2023 – Laacibka Kylian Mbappe wuxuu taageerayaasha uga yaabiyey qoraalkiisii ugu dambeeyey ee uu soo dhigay madasha Instagram, gaar ahaan taageerayaasha Manchester United oo ay rajo soo gashay.

Mbappe ayaa bulshada la wadaagey sawir muujinayo dhaawaca uu kasoo laabtay kulankii Talaadadii ee Champions League ee Bayern Munich, kaasoo kooxdiisa looga adkaaday 1-0 inkastoo uu isagu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakin waxay uu dadka uga yaabiyey ciwaankii qoraal uu ku wadaagey baraha bulshada.

Marka aad qoraalka gujiso gaar ahaan dhanka badhanka tarjumaadda ee Instagram waxay isu beddelaysaa ‘kooxda Manchester United hadda waxay ku fooggan tahay PSG.’

Sida caadiga ah jamaahiirta United waxay aad ugu faraxsanaayeen inay arkaan mid ka mid ah ciyaartoyda adduunka ugu fiican oo u muuqda mid xusaya kooxdooda, balse markii uu Marcus Rashford dul saaray emoji dab ah ayay xaaladdu kasii dartay, waloow ilaa haatan la fahmi la’yahay ujeedka qoraalka dhan.

Si kastaba, warkan ayaa soo baxaya xilli ay Man United oo suuqa ku taalla £4.5bilyan oo gini ay gorgorinayso hay’adda Qatari investment Fund ee uu hoggaamiyo Amiirka Qadar ee Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani.

Hadalsame Media