Benzema oo 3 ubax u kala diray 3 haween ah oo uu xiriir kala dhexeeyo (Maxay kala yihiin?)

0

(Madrid) 16 Feb 2023 – Qannaaska qawaarka ah ee Real Madrid ayaa ku dhaqaaqay arrin kale oo soo jiidatey cinwaannada warbaahinta.

14-kii bishan oo ku beegnayd maalin lagu sheego inay tahay Maalinta Jacaylka Adduunka, Karim Benzema ayaa ubax u kala diray 3 dumar ah oo kala duwan:

1 – Midi waa Jiordyn Ozuna, oo ah lammaanihiisa hadda.

2 – Tan labaadi waa Cora Gauthier, lammaanihiisii hore iyo hooyada u dhashay wiilkiisa.

3 – Tan seddaxaadna waa gabadha Chloe Launey, taasoo ahayd xaaskiisii kowaad iyo hooyada dhashay gabadhiisa.

Hadalsame Media