(Muqdisho) 15 Feb 2023 – Markab raashin ah oo ku socda Laascaanood oo Mudug u dhaqaaqay.
Markab sida raashin gargaar ah ayay wararku sheegayaan in DF Somalia u dirtay dadka ku barakacay dagaallada Laascaanod ka socda; sida ay faafisay Idaacadda Dalsan.
Markabka ayaa la sheegay inuu ku xiran doono Dekedda cusub ee degmada Garacad halkaas oo laga sii daabuli doono.
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in markabka ay ku deeqday dowlad Ka mid ah dawladaha Carabta ah looguna talagalay K/Soomaaliya abaaraha ka jira, balse Dowladda Somalia ay haatan u weecisey dhankaas iyo gobolka Sool.
Weli lama hayo qiyaasta inta tan ee markabkani sido.
Diwladda Soomaaliya waxaa soo gaarayey waayadi dambe gargaar ka imaanayey Adduunka.
Hadalsame Media
Facebook Comments