”Bal eega xilliga lagu soo beegay?” – FC Barcelona oo lagu haysto inay garsoorayaal laaluushtey oo jawaab soo saartay

0

Warbixintan oo ay baahisay Cadena SER ayaa lagu sheegay in kooxdu ay lacagta u shubtay shirkad uu leeyahay Jose Maria Enriquez Negreir, oo ahaa Guddoomiye Xigeenka Guddiga Garsoorka ee Xiriirka Kubadda Cagta Isbaanishka (RFEF) laga soo bilaabo 1994 ilaa 2018-kii.

Kooxda reer Catalan ayaa waxay siisay  shirkadda Negreir, DASNIL 95 SL, wadar dhan €1,392,680 muddo saddex xilli ciyaareed ah oo u dhaxaysay 2016 iyo 2018-kii.

Lacag-bixinta Barcelona ayaa kaaga darane waxa ay joogsatey Juun 2018-kii. Taariikhdaas oo la sheegay inay ku beegan tahay ka tegitaankii Negreir ee Guddiga Garsoorayaasha.

Baaritaan uu sameeyey Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa durba bilowday. Negreir ayaa u sheegay Baarayaasha inuusan Barcelona ugu xaglinin wax go’aamo garsoor ah balse uu kooxda siinayey talooyin afka ah oo ku saabsan dhowr arrimood oo ay ku jirto sida ciyaartooydu ay u dhaqmayaan garsoorayaasha hortooda.

“FC Barcelona waxa ay ka xun tahay in xogtaan lasii daayey markii ay kooxdu soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan,” ayaa lagu yiri jawaabta Barca oo is difaacaysa.

“FC Barcelona waxa ay qaadi doontaa tillaabo sharci ah oo ku fooggan kuwa isku dayaya in ay sumcadda kooxda wax u dhimaan iyaga oo kasoo horjeeda sumcadeeda wanaagsan”. ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media