Midowga Yurub oo gebi ahaanba joojinaysa in la shaabadeeyo Baasaboorka dadka soo gelaya Aagga Schengen (Maxaa dhacaya haddii aad iska joogto marka fiisuhu dhaco?)

0

(Brusells) 14 Feb 1023 – Midowga Yurub (EU) ayaa wuxuu ku dhow yahay inuu wax ka beddelo nidaamka gelitaanka iyo ka bixista ee muwaadiniinta waddanka saddexaad oo loola jeedo kuwa ka imanaya dalalka aan EU ka tirsanayn, iyadoo la hirgelinayo Nidaamka Gelitaanka/ Bixinta oo otomaatig ah (EES) oo aan u baahnayn in baasaboorka la shaabadeeyo.

Nidaamka EES waxaa loo isticmaali doonaa in lagu beddelo habka hadda jira ee  shaabadaynta baasaboorka ee gacanta, taas oo ah mid aan tayo lahayn, aan la isku hallayn karin, islamarkaana aan awood u lahayn in markiiba la ogaado dadka iska sii jooga markii uu fiisuhu ka dhaco.

Waa maxay Nidaamka Gelida/ Bixinta (EES)?

Nidaamka Gelida/ka bixista (EES) waa nidaam otomaatig ah oo loo isticmaali doono in lagula socdo soo gelidda iyo ka bixista qofka ka imanaya waddan saddexaad ee soo booqda Midowga Yurub.

Magacyada dadka socotada ah, faraha, sawirrada wejiga, noocyada dokumentiga safarka, taariikhaha iyo meelaha laga soo galo iyo ka bixista, iyo waqtiyada joogidda Aagga Schengen dhamaantood waxa lagusii qori doonaa nidaamkan EES waxaana uu si buuxda u shaqayn doonaa wixii loo gaaro dabayaaqada sanadkan 2023-ka.

Nidaamkan Gelida/Ka Bixidda (EES) waxaa loogu talagalay in lagu casriyeeyo hababka hadda jira ee lagu socdo soo-booqdayaasha waddan saddexaad ee soo galaya Midowga Yurub, taasoo ka dhigaysa ka gudubka xudduudda EU mid sahlan oo deg deg ah.

Nidaamkani wuxuu sidoo kale bixin doonaa xog la isku halleyn karo wuxuuna saamaxayaa in si nidaamsan loo ogaado dadka iska jooga kaddib marka uu fiisuhu ka dhaco.

Hadalsame Media