Hay’adda NISA oo soo saartay digniin ka dhan ah kooxda Al Shabaab

0

(Muqdisho) 14 Feb 2023 – Hay’adda Nabad Sugidda Somalia ee NISA ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ka dhan ah ganacsatada Somalia.

Waxay uga digeen inay bixiyaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaaddo kooxda Al Shabaab oo ay sheegeen inay ku gumaadaan shacabka abriyada ah ee aan waxba ka galabsan.

“Hay’adda NISA oo uga digtey ganacsatada in ay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan in ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

Maamulka haatan jira ee DF Somalia ee uu hoggaamiyo MW Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii dagaal ka firfircoon midkii nidaamkii ka horreeyey ku qaaday kooxda Shabaab oo dhulal badan laga xoreeyey.

Hay’adda
HSNQ_NISA
oo uga digtay ganacsatada in ay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan in ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media