DAAWO: Lulaku & Barella oo xalay si xun isu aflagaaddeeyey & Sababta ay isku maageen (Mid la is waydiinayo)

0

(Genoa) 14 Feb 2023 – Qannaaska qadhawlaha ah ee Romelu Lukaku ayaa furka ku xooray oo ay hadallo kulul is dhaafsadeen saaxiibkiis Nicolo Barella oo ay isku koox yihiin.

Labadan laacib oo xitaa lagu tilmaamo inay saaxiibbo gaar ah yihiin marka loo eego laacibiinta kale ee Inter Milan ayaa isku dhacay fiidnimadii Isniintii xalaytoole. Waana arrin is waydiin hor leh dhalisay.

Xiisadda u dhaxaysa Lukaku iyo Barella ayaa dhacday intii lagu guda jirey ciyaartii ay Inter Milan’s 0-0 kula gashay Sampdoria garoonka Luigi Ferraris Stadium ee magaalada Genoa.

Muranka ayaa bilowday daqiiqaddii 40-aad ee ciyaarta markii Lukaku uu u sheegay Barella inuu joojiyo gacmo isku garaacista marka uu xanaaqo.

Lukaku ayaa wuxuu ku qayliyey Barella isagoo leh: ‘Ha samayn taas, naga badisay gacmahan! Ha samayn taas! Ma fiicna, waa aflagaaddo, hadda jooji!’.

Yeelkeede, hadalka Lukaku si fiican uguma dhicin dhegaha Barella oo dhibsanayey – kaasoo dib ugu af-celiyay 29-jirka weerarka ka ciyaara ee amaahda uga maqan Chelsea.

Lukaku ayaa ka caroodey jawaabta uu ka bixiyey xiddigga khadka dhexe isaga oo dib u weeraray markale. Wuxuu ku qayliyey ‘War bax!. Waxaad tahay dhi***o cunuggeed.”

Hadalsame Media