”MW maxay ku kala duwan yihiin madaafiicdii 88-kii Hargaysa lagu garaacay & Duqaynta aad ka waddo Laascaanood?” – Xildhibaan ka tirsan Wakiillada (Daawo)

0

(Hargaysa) 13 Feb 1023 – Xil.Cabdikariin Dhiirrane, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ayaa weerar ku qaaday Xukuumadda oo uu ku dhaliilay inay si khaldan u wajahayso xaaladda Laascaanood oo uu maalintii 8-aad dagaal ka holcayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood aanu joogsan doonin inta ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland oo sidoo kale lagu eedeeyey inay duqaymo ka gaysanayaan goobaha rayidka ah sida xaafadaha, iskuullada, isbitaallada IWM.

Dhiirrane ayaa MW Somaliland si dadban ugu sheegay in aanu muujin dhaqan aqoon iyo xilkasnimo lagu xallin kari lahaa xaaladda dagaal ee ay ku jirto Laascaanood oo tan iyo 2007-dii hoos tegeysey nidaamka Somaliland.

”MW isagaa marna yiri waxaannu la dagaallamaynaa beeniyey inaysan meesha argagixiso joogin oo waa tii xabad joojinta lagu dhawaaqay.” ayuu yiri Dhiirrane oo sheegay inay talo iminka faraha kasii baxayso.

”Waxaa lagaaga baahan yahay inaad go’aan adag qaadato, Suurtagal noqon mayso in ciidan is hor fadhiya oo isu muuqda la yiraahdo xabadda joojiya.” ayuu raaciyey isagoo carrabka ku adkeeyey in ciidamada halkaa laga soo saaro marka hore.

Hadalsame Media