Maxaa ka jira in Elon Musk uu iibsanayo kooxda Man United (Isaga ayaa ka jawaabaya)

0

(London) 13 Feb 1023 – Maalqabeenka Elon Musk ayaa la sheegay inuu jecel yahay lacagta iyo waallida. Waxaase haatan waxyaabaha uu sidoo kale jecel yahay kusoo biirtay Manchester United – waana mid ka mid ah dhowr qof oo awoodi kara inay iibsadaan.

Sida laga soo xigtey ilo-wareedka, bilyaneerka tiknolojiyadda ka xoolaystey ayaa la rumaysan yahay inuu si dhow ula socdo xaaladda Man United, isagoo ka fikiraya in haddii ay jirto fursad uu ku iibsab karo kooxda Old Trafford uusan lumin.

Xilli ay Jimcaha tahay maalinta kama dambaysta ah ee dalabyada lasoo diran karo – ninka Forbes ugu jira kaalinta labaad ee qofka ugu qanisan adduunka ayay la sheegay inuu u dhaqaaqi karo kooxdan oo ka mid ah kuwa ugu waawayn kooxaha kubbadda cagta adduunka.

Tiiyoo aysan saaxiibada shirkadihiisa TwitterTesla iyo SpaceX aysan ka faalloon doonin xiisaha suurtagalka ah ee Musk, misna ilo ku dhow heshiiska ayaa ka warqaba dareenkiisa.

In yar ayaa ku riyoon karta culayska maaliyadeed ee Musk – kaasoo horraanba madashiisa dood qiiraysan ka qarxiyey markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu iibsanayo Man United, kahor inta uusan markii dambe sheegin inay ahayd kaftan.

Qiimayntii ugu dambaysey, hantidiisa waxaa lagu qiyaasayey £157billyan oo gini. Jeebabkiisu waa qoto dheer yihiin oo waa hubaal inuu leeyahay mug wayn oo maaliyadeed.

Dhanka Twitter, waxaa sidoo kale ka dhex muuqata Man United oon ku naalloonaysa 34.9milyan oo taageere. Musk ayaase beentiin leh oo wuxuu leeyahay 128.9milyan oo raace.

Hadalsame Media