26-ka laacib ee u tartamaysa xiddiga FIFA ugu fiican oo la shaaciyey (Sida loo kala saarayo & Xiddiga ugu cad cad?)

0

(Hadalsame) 13 Feb 1023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu daray xiddigaha kasoo muuqday liiska FIFA ee u sharraxan inay noqdaan kooxda sanadka ee FIFPro.

Weeraryahankii hore ee Manchester United ayaa loo arki karaa inuu yahay magac aan laga filaynin 26-ka ciyaaryahan maadaama uu xaalku ku xumaa tan iyo xagaagii, markaasoo xiriirkii uu la lahaa Manchester United uu bilaabay inuu xumaado.

Waxaa jira xiddigo badan oo lagusoo daray liiskan, iyadoo Lionel Messi uu ugu cadcad yahay safka XI ugu dambeeya kaddib Koobkii Adduunka ee Argentina oo uu sidoo kale ku guulaystey tartankii lagu magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka.

Erling Haaland, Neymar Jr iyo rag kale ayaa sidoo kale lagusoo daray liiska musharrixiinta isagoo u soo ciyaaray kooxaha Borussia Dortmund iyo Manchester City 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Abaalmarinta waxaa si gaar ah loogu go’aaminayaa codadka ciyaartooyda waxaana la tixgelinayaa waxqabadka ciyaartooyda inta u dhaxaysey 8 Agoosto 2021 iyo 18 Diseembar 2022.

Safaka ugu dambeeya XI ayaa lagu soo bandhigi doonaa abaalmarinta FIFA The Best ee qabsoomi doonta 27-ka Febraayo. Messi ayaana rajo wayn ka leh abaalmarintan kaddib bandhiggiisii KA2022-ka.

XIDDIGAHA LA MAGACAABAY EE FIFA FIFPRO

GOOLWALAYAAL

Alisson Becker (Liverpool, Brazil)

Thibaut Courtois (Real Madrid, Belgium)

Emiliano Martinez (Aston Villa, Argentina)

DAAFACA

Joao Cancelo (Manchester City/Bayern Munich, Portugal)

Alphonso Davies (Bayern Munich, Canada)

Virgil van Dijk (Liverpool, Netherlands)

Josko Gvardiol (RB Leipzig, Croatia)

Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain, Morocco)

Theo Hernandez (AC Milan, France)

Antonio Rudiger (Chelsea/Real Madrid, Germany)

Thiago Silva (Chelsea, Brazil)

KHADKA DHEXE

Jude Bellingham (Borussia Dortmund, England)

Casemiro (Real Madrid/Manchester United, Brazil)

Kevin de Bruyne (Manchester City, Belgium)

Enzo Fernandez (River Plate/Benfica/Chelsea, Argentina)

Gavi (Barcelona, Spain)

Luka Modric (Real Madrid, Spain)

Pedri (Barcelona, Spain)

Federico Valverde (Real Madrid, Uruguay)

WEERARYAHANNADA

Karim Benzema (Real Madrid, France)

Erling Haaland (Borussia Dortmund/Manchester City, Norway)

Robert Lewandowski (Bayern Munich/Barcelona, Poland)

Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain, France)

Lionel Messi (Paris Saint-Germain, Argentina)

Neymar Jr (Paris Saint-Germain, Brazil)

Cristiano Ronaldo (Manchester United/Al Nassr, Portugal)

Hadalsame Media