Dood dadwayne oo ka dhalatay odayaal qaab qabiil saaka ugu tegey Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 12 Feb 2023 – Waxaa saaka Safaaradda Turkiga ee ugu wayn adduunka oo ah midda ku taalla magaalada Muqdisho booqday rag sheegay inay yihiin ”Odayaasha Hawiye”, kuwaasoo halkaa u tegey inay Turkiga uga tacsiyeeyaan dhulgariirka halkaa ka dhacay ee ay dadka 20-ka kun dhowi ku dhinteen.

”Waxaan u mahadcelinaynaa Odayaasha Hawiye ee nagu soo booqday Safaaradda si ay u saxiixaan Buuga Tacsida dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga.” ayaa loo qoray bayaan kooban oo kasoo baxay Safaaradda Turkiga.

Yeelkeede, dadwaynaha qaarkood ayaa markiiba arrintan ka fal-celiyey iyagoo mid aan meesha qaban ku tilmaamay in qaab beeleed loo wajaho arrintan maadaama waxa lala xaalayaa ay yihiin dal qalaad, waloow ay jireen dadka qaar oo ay la saxan tahay.

Qof baa soo qoray: ”Soow Dowladdu nama matasho?”

Qof kale ayaa soo qoray: ”Halkii laga dhihi lahaa Odayaasha Hawiye soow ma wanaagsanayn in la yiraahdo ”Odayaasha Soomaalida?”

Qof baa isna meel kale ka eegay oo yiri: ”Turkigu uma baahna buug tacsiyeed la saxiixo ee waxay u baahan yihiin kaalmo.”

Hadalsame Media