Yaa dhamaystiran Haalan & Victor Osimhen? Khubarada ciyaaraha oo wax ka qortay

0

(Hadalsame) 11 Feb 2023 – Xillin uu Erling Haaland uu isku dayayo inuu Manchester City ka caawiyo soo qabashada Arsenal, weeraryahan lagu tilmaamay midka adduunka haatan ugu fiican, sida uu qorayo Daily Mail, ayaa wuxuu ahaan doonayaa inuu kooxdiisa u qaado horyaalkii ugu horreeyey muddo 33 sano ah kaddib.

Taageerayaan badan oo Premier League daawada dabcan laga yaabee inaysan aqoon, balse kaasi waa Victor Osimhen, oo jooga meel 1,200 mayl u jirta xeebaha Ingiriiska, laakiin dhowaan waa baran doonaan.

Laacibkan reer Nigeria ee u safta Napoli ayaa doonaya inuu kooxdaa u qaado horyaalkii seddexaad ee Serie A taariikhdooda, waana markii ugu horreeysey tan iyo waayihii Diego Maradona. Waxay haatan 13 dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hoggaanka kahor kulanka ay Axadda ee la yeelanayaan Cremonese.

Maqaamka Maradona ee Napoli weli ma gaarin, balse waa mid si wayn ay u jecel yihiin taageerayaasha magaaladan qadiimiga ah ee dhacda koonfurta Talyaaniga.

Waxaa laga yaabaa inuusan weli u dhamaystir badnayn sida Haaland, laakin Osimhen waa No 9 aad u dhamaystiran marka loo eego Haalan, sida uu qabo Tom Collomosse oo maqaalka dheer ku qoray Daily Mail.

24-jirkan oo haatan maasgaro xirta kaddib markii uu lafta isha dhaawac ka gaarey bishii Nofeembar 2021, ayaa u muuqda mid wax badan soo wada.

Hadalsame Media