Essien oo farriin murugo leh oo ku saabsan laacibka la la’yahay soo diray

0

(Hadalsame) 11 Feb 2023 – Xidiggii hore ee kooxda Chelsea, Michael Essien, ayaa farriin qiiro leh ku wadaagay baraha bulshada isagoo rajeeyey in saaxiibkiisii hore ee Christian Atsu uu weli nool yahay uuna u ducaynayo xiddigga reer Ghana.

31-sano jirkan ayaan la ogayn halka uu jaan iyo cirib dhigay kaddib dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay koonfurta Turkiga iyo wlqooyiga Syria subaxnimadii Isniintii kaddib markii naadigiisa haatan ee Hatayspor ay shaaca ka qaadeen in sheegashada ah in la soo badbaadiyey xidigga aysan run ahayn.

In ka badan 17,000 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib masiibada dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8, halka malaayiin qofna ay hoy la’aan noqdeen.

Horraantii usbuucan, dhakhtarka naadiga Hatayspor Gurbey Kahveci ayaa beeniyey warar la isla dhex marayey oo ahaa in Atsu la helay isagoo yiri:

‘Markii aan maqalnay warka ah “waxaa loo qaaday Isbitaalka Dortyol”, waanu tagnay oo kasoo eegnay, laakiin ma uusan joogin halkaas.’

Essien – oo ku sugnaa Chelsea intii uu Atsu isna joogey sidoo kalena si heer caalami ah ugula soo ciyaaray xulka Ghana – ayaa waxa uu boggiisa Instagram-ka soo dhigay dhambaal qiiro leh oo khuseeya saaxiibkiisii hore.

Isaga oo jamaahiirta la wadaagaya sawirka labadooda oo xilligaa ku sugnaa xerada Chelsea, Essien wuxuu yiri: “Weli waxaan rajaynayaa oo aan ugu ducaynayaa saaxiibkeygii wanaagsanaa ee Christian Atsu inuu weli nool yahay.”

Hadalsame Media