”Waxaa nagu soo wajahan 1,800 taangi iyo 400 oo diyaaradood” – Ukraine oo qayladhaan hor leh soo dirtay + Sawirro

0

(London) 10 Feb 2023 – Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa ku riixaya reer Galbeedka inay siiyaan diyaarado casri ah iyo gantaalaha riddada dheer, isagoo ka digey in dagaalku uu ‘daba dheeraan karo’ la’aantood.

RW UK ee Rishi Sunak oo la kulmay MW Ukraine ayaa ka jawaabey codsiga Ukraine isagoo qirtay ‘inuusan waxba meesha ka saaraynin’ marka ay timaado sahayda UK ee gargaarka millateri si ay uga caawiyaan la dagaallanka duullaanka Ruushka.

Waxaana la fahamsan yahay in laga wada hadlay sidii loo heli lahaa gantaalaha lidka maraakiibta ee Harpoon – kuwaas oo jari kara masaafo dhan 150 mayl kuna kacaya ku dhowaad £1.2 milyan oo ginni.

Gantaalka kale waa Storm Shadow oo ah da Dhul-ka-Cir ah oo gaaraya masaafo dhan 250 mayl, qiimahiisuna yahay £2.2m oo gini, oo laga yaabo in UK ay siiso Ukraine, sida lagu qoray The Times.

Ukraine ayaa qayladhaamintan bilowday kaddib markii ay sheegeen inuu kusoo fooggan yahay duullaan aad u culus oo uu maaggan yahay Ruushku.

Waxay sheegeen in Kremlin-ku uu diyaariyey 1,800 taangi iyo 400 oo diyaaradood oo dagaal ah wax ay ku sheegeen ‘duullaan cusub oo wayn oo dhici kara toban maalmood gudahood.’

Hadalsame Media